DEG DEG: Digniin laga soo saaray weeraro la sheegay in ay ku soo wajahan yihiin Muqdisho.

21 total views, 1 views today

Xafiisyada QM iyo Safaaradaha Shisheeye ee ku yaalla Xerada Xalane ayaa Bixiyay Digniin amni oo ku saabsan weeraro ku wajahan Bartilmaameedyo ku yaaala Magaaladda Muqdisho.

Goobaha laga digay in weeraraddu ka dhici karaaan waxaa ka mid ah Hotello ku yaalla Magaaladda gaar ahaan Wadadda makaa Al- mukarama iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Weeradda nuuca ay yihiin lama Faaah faahin.

Hotellada iyo garoonka Diyaaaradaha ee Muqdisho ayaa bartilmaameedyo u ah Al-shabaab oo horay weerarro uga geeystayn goobahaas, tiro dhowr jeer ah ayey Al-shabaab weerareen Garoonka Diyaaradaha iyo Xerada Xalane.

Sidoo kale inta badan Hotellada ku yaalla Waddadada Maka Al-mukarama ayaa marti galiyay weerarro Al-shabaab ay ku qaadeen oo ismiidaamin iyo weeraro toos ah isugu jiray.

Dad shacab ah iyo Saraaakiil Doowladeed ayaa ku dhintay weeradddi Al-shabaab ay horay uga geysteen goobha digniintu ku wajahantahay.

Digniinta amni ee ay Soo saareen Xafiisyada QM iyo safaaradaha ku yaala Xalane ma ahan mid si guud loo faafiyay laakiin waxaa la siiyay Shaqaalaha Xarumahaas u shaqeeya oo looga digay in aysan tagin Xarumaha qatartu ku wajhantahay.

Khamiistii lasoo dhafay ayey ahayd markii Golaha Wasirada ay Bixiyeen Digniin amni, Jimcihii ka dambeeyayna ay Magaladda Ruxeen Qaraxyo iyo Weeraro toos ah oo ka dhacay Goobo si aad ah loo laaliyo gaar ahaan Meel u dhow Xarunta Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo waliba Iridda laga galo Madaxtooyadda Soomaaliya

Weeraradii ugu dambeeyay oo Al-shabaab sheegteen waxaa ku dhintay Dad ka badan 40 ruux,waxaana dhaawacmay ku dhawaad 30 kale.

Hay’adaha amaanka ayaa qaatay shirar isdaba joog ah oo amaanka lagu adkeeynayo.