DEG DEG: Dad lagu laayay degaanka Lafoole

817 total views, 4 views today

(Warqaat.com)—Wararka naga soo gaaraya degaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan dad ay ku laayeen degaanka Lafoole.

Dadka ayaa saarnaa gaari Caasi, waxaana la sheegay in ugu yaraan 6 ruux la dilay ka dib markii gaari ay saarnaayeen lagala degay.

Lixdaasi ruux ayaa 3-kamid ah waxa ay ahaayeen walaalo sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dadka ayaa ka yimid degmada Afgooye oo 30-KM u jirta Muqdisho iyaga oo ku soo wajahnaa Muqdisho.

Dadka la dilay ayaa waxa ay ahaayeen Odayaal sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.