DEG DEG: Ciidamada Puntland oo Weerar ku qaaday S/land kana Saaray Deegaanka Tukaraq….

?????

12 total views, 2 views today

Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Daahir Suleymaan Canshuur ayaa sheegay in dib ula wareegeen deegaanadii shalay ay kala wareegeen Maamulka Somaliland.

Waxa uu sheegay in ay Ciidamada Puntland ay ku sugan goobihii markii hore ay ku sugnaayeen Ciidamada Puntland balse shalay Somaliland ay kala wareegtay.

Khasaaraha ugu badan ayuu sheegay in uu gaaray dhanka Somaliland, ayna ka gubeen Gaadiid Dagaal, waxa uuna tibaaxay in ay feejignaan geliyeen Ciidamadooda.

Weerarada Somalind ayuu ku tilmaamay in muddooyinkaanba ay wadeen abaabulkiisa, waxa uuna Meesha ka saaray in waan-waan lagu xalinayo Xiisadaan ay socoto.

Daahir Suleymaan Canshuur Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland ayaa sheegay in dadka deegaanka aanan ka barakicin dagaalka u dhaxeeya labada Maamul.

Labada dhinac ayuu sheegay in ay wadaan Abaabul iyo dib isku habeyn, waxa uuna ku goodiyey in dhankooda ay jawaab ka bixin doonaan dagaalkii ka dhacay Tukaraq oo uu Somaliland ku eedeeyey in ay iyagu soo qaadeen.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay la wareegay Deegaanaa Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro war kasoo baxay Maamulka Somaliland oo ay kaga hadlayaan in dib loogala wareegay deegaankaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.