DEG DEG:-Ciidamada Dowladda Oo Qabtay Gaari Ay Ka Buuxaan Waxyaabaha Qarxa Iyo Raggii Watay

21 total views, 1 views today

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa hub iyo Rag la socday.

Saraakiisha ciidamda dowladda ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen Xaafada Buundoweyn ay ku soo qabteen 13 Ruux oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab Gaari ay ka buuxaan Birihii qaraxyada laga sameynayay iyo Hub.

Abaaduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, qaybta Gobolka Hiiraan Isaaq Idiris Cismaan ayaa soo bandhigay 13 qof ee howlgalka lagu soo qabtay Gaariga ay ku raran yihiin Biraha laga sameeyo waxyaabaha qarxa iyo hubka,waxa uuna sheegay in dadkaas baaritaan lagu sameyn doono.

Gordhow la socda wixii ku soo kordha iyo shirka Jaraa’id ee Taliyaha.