DEG DEG AH+ SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo Oo Soo Gaaray Magaalada Garoowe

20 total views, 1 views today

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhaw wuxuu gaaray Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo xubnihii Wafdiga la socday, ayaa Garoonka diyaaradaha waxaa loogu soo dhaweeyay si wayn, waxaana halkaasi lagu sii diyaariyay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha u diyaarsanaa.

Sidoo kale dad aad u fara badan oo xaafadaha Magaalada Garowe isaga kala yimid, ayaa qayb ka ahaa soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee maanta ka dagay Magaalada Garowe.

Ammaanka Garoowe ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada Koofi Gaduuda Madaxtooyada Somaliya oo maalin ka hor halkaasi la geeyay iyo ciidanka Puntland.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.