DEG DEG AH: Hubka culus oo laga maqlayo Jiidda Tukaraq…

25 total views, 2 views today

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in la maqlayo hubka culus oo ay adeegsanayaan labada dhinacba, waxaana hadda muuqda in ay isku adeegsanayaan hubka culus oo laga maqlayo deegaano aad uga durugsan halka ay xiisadu ka taagan tahay.

Goobjoogayaal kusugan deegaano masaafo ka durugsan halka ciidamadu isku horfadhiyaan ayaa cadeynaya in ay ilaa subaxnimadii hore ee saaka maqlayaan rasaasta culus, balse aysan cadeyn Karin in uu dagaal jirro iyo in kale.

Nabadoon Axmed Cabdi Yuusuf oo kusugan deegaan masaafo u jira Tukaraq ayaa sheegay in uu maqlayo hubka culus oo ka duwan kuwii ay horey u maqlayeen, wuxuuna shaki galiyey in uu jirro dagaal balse ay yihiin hubka waa weyn o ay dhinacyadu isku ridayaan dhanka hawadana marinayaan.

Dhoola-tusyo ciidan ayay u muuqataa xaajada hadda ka taagan magaalada Tukaraq, laakiin dadka ayaa dhagaha u taagaya goorta ay soo bixi doono warka sheegaya in Dagaal culus ka bilowday aagaas, kaas oo ay saameyntiisu socotay maalmihii lasoo dhaafay.

Labada ciidan ayaa u muuqda kuwa si buuxda ugu diyaar garoobay dagaal rasmi ah,waxaana la geeyey Tukaraq cudud kasta oo ay dhinacyadu awoodeen, taas oo ka dhigan in xaaladdu isku bedeshay jawi dagaal.

Hanjabaaduhu waa kuwa isoo taraya, Puntland waxay shalay mar kale sheegtay in ay ka go’an tahay dib u qabsashada magaalada Laascaanood oo gacanteeda ka baxday sannadkii 2007-dii, tas oo ka dhigan weerar culus.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.