Dagaallo Xoogan Oo Ka Dhacay Duleedka Qoryooley

591 total views, 1 views today

Warqaat.Com:- Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaallo culus oo xalay saqdii dhexe siyaaba kala duwan uga dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalladan oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Waxaana dagaalladan ay ka dhasheen kadib markii Al Shabaab ay weeraro safmareen ah ay ku qaadeen fariisimo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin deegaanada Kabtan-laas, Danow, iyo Mashalaay oo dhamaan hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagalladaasi, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

Illaa iyo haatana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeelaha Hoose iyo Al Shabaab oo ku aadan dagaalladaasi.

Xaaladda ayaa hadda dagan, iyadoona saaka Ciidamada dowladda kuwa AMISOM ay howlgallo ka waadan halkaasi.