Dagaalkii Fujaar Qeybtii 6

43 total views, 1 views today

Nabigu Markii Ay Da’diisu Gaadhay  20 Sano Jir Waxa Uu Ka Qaybgalay Dagaal Loogu Magac Daray (Macrakatul Fujaar) Sababta Dagaalku Ku Bilaabmayna Waxay Ahayd Qabiilka Qureesh Iyo Kanaana Oo Isku Dhinac Ah Ayaa Nin Ka Mid Ahi Dilay Nin Kale Oo Katirsan Qabiilka Qays Caylaan, Sidaa Awgeed Waxa Dhacday Dagaal Laysku Laayey Waxaanu Dagaalku Dhacay Waqtiga Bilaha Xurmaysan Oo Ay Mamnuuc Ahayd In La Dagaalamo, Si Kastaba Ha Ahaatee Nabigu Waxa Uu Udiyaarinayey Adeeradii Leebka Iyo Qaansada Laysku Gano.

Kadib Markii Lays Dhaafsaday Dhimasho Iyo Dhaawac Ayey Labada Qabiil Ku Heshiiyeen In Diyo Lakala Qaato Markii Maydadkii Laysu Tiriyey.

Dagaalkaa Kadib Waxa Magaalada Makkah Soo Galay Nin Baayacmuushatari Ahaa Oo Gadaya Alaabo Waxaanu Ka Iibiyey Nin La Dhaho ( Caas Ibnu Waa’il) Ninkaasi Waa Dafiray Lacagtii Lagu Lahaa, Oo Qaab Dulmi Ah Ayuu Uga Qaaday Xoolihiisii.

Kadibna Waxa Uu Tiriyey Ninkii Alaabada Lahaa Gabay Uu Kaga Cabanayo Dadka Dagan Magaalada Makkah. Arrintii Waxay Gaadhey (Zubeyr Ibnu Abdul-Mudalib) Oo Aha Nabiga Adeerkii Kadibna Waxa Uu Baaqii Gaadhsiiyey Reer Bani Haashim Iyo Reer Bani Abdi-Shams, Wayna Isku Yimaadeen Shir Lagu Qabtay Guriga (Cabdullahi Ibnu Jadcaan) Oo Lagu Gorfaynayo Qaabka Loo Joojoojin Lahaa Dulmiga Magaalada Dhexdeeda Ka Socda, Xilfi Wadaagaaas Oo Lamagac Baxay ( Xilif Al-Fusuul) Waxa Ka Qayb Galay Rasuulka, Waanu Ku Faani Jirey Oo Waxa Uu Yidhi Rasuulku (NNKH) Hadii Geela Kiisa Cascas (Guduudan) Laysiinayo Waxaan Ka Fadili Lahaa Ka Qaybgalka Shirkaas. Waxayna Ku Tusinaysaa Sida Uu Nabigu U Necbaa Dulmiga.

Nabigu Waxa Uu Raacay Dhalinyaronimadiisii Adhiga, Oo Magaalada Makkah Ayuu Ku Dhaqi Jiray Isagoo Ku Qaadan Jiray Dirhamo Yar Illamaayo Uu Eebe Ka Maaransiiyey Oo Uu Galay Shaqada Ganacsiga.

Sidaynu Hore U Soo Sheegnay Reer Qureesh Waxay Caabudijireen Sanamyada Ayaga Oo Ku Dul Wareega Ama Ku Dul Dawaafa Dhagxaanta Iyo Dhirta. Hase Ahaate Waxa Jirey Afar Nin Oo Ka Tirsan Reer Qureesh Oo Ka Dhexbaxay Oo Ay U Cuntami Weyday Sanamyada Ilaahay Lala Wadaajinayo Ayagoo Iclaamiyey In Aanay Ahayn Diinta Ay Haystaan Diintii Nabi Ibraahim.

Waxayna Kala Yihiin (Sayid Ibnu Camr Ibnu Nufayl, Cusmaan Ibnu Xuweyrib, Waraqa Ibnu Noofal Iyo Cabdullahi Ibnu Jaxsh.) Waxay Qireen In Ilaahay Yahay Kaligii Waxayna Isku Yimaadeen Shir Ayagoo Go’aan Ku Gaadhay In Aan Loo Fadhiyin Waxay Reer Qureesh Caabudayso Kadibna Midba Meel Buu Ka Baadidoonay Diin Qancisa.

Waraqa Ibnu Noofal Waxa Uu Qaatay Diinta Nasaarada Markii Ay Diinta Islaamku Soo Gaadhayna Wuu Muslimay Isagoo Da’diisu Ay Weyntahay Oo Indho Beelay.

Sayid Ibnu Camr Waxa Uu Cadaawad U Muujiyey Reer Qureesh Iyo Waxay Eebe La Wadaajinayeen Waxanu Ku Yiri Qoomkiisii Waan Ka Gaaloobay Sanamyadiina Waxaanan Rumeeyey Ilaahay Oo Kaliya Manuusan Garanayn Sida Uu Eebe U Caabudo. Waxa Uu Diidi Jirey Inuu Cuno Cunto Aan Bisinka Loo Qaban, Haddii Uu Arko Nin Dilaya Gabadhii Uu Dhalay Waa Kala Doodi Jirey Si Uu Badbaadiyo Ruuxaas.

Maalintii Danbe Ayuu Ka Baxay Magaalada Isagoo Ku Wajahan Dhulka Shaam Si Uu Diin U Raadsao Hase Ahaatee Markuu Jidka Marayey Ayuu La Kulmay Nin Baadari Ah Kadibna Waxa Uu Uga Waramay Ujeedadiisa, Baadarigii Waxa Uu Ku Yidhi Kunoqo Magaaladaadii Waa Xilli Uu Soo Bixi Doono Nabi Kana Soo Bixi Doono Mandaqada Aad Ka Timide.

Markuu Jidka Mareyey Ayaa La Dilay Sayid Waxaanu Ku Ducaystay In Ilaahay Uu Hanuuniyo Wiiliisa Saciid Ibnu Subayr.Wiilkiisii Waxa Uu Noqday Muslim Waxaanu Ka Mid Yahay Saxaabadii Rasuulku Ugu Bushaareeyey Jannada.

Maadaama Ay Cumar Ibnu Khadaab Iyo Saciid Ibnu Sayid Ay Is Xigaan Waxay U Tageen Rasuulka (N.N.K.H) Waxayna Waydiiyeen Inay U Danbi Dhaaf Eebe U Waydiin Karaan Saciid Aabihii Oo Ah Sayid Ibnu Camr, Nabiguna Waxa Uu Ugu Jawaabay In Ilaahay Uu Soo Bixin Doona Sayid Ibnu Camr Maalinta Qayaame Kaligii Isagoo Umad Ah.

 

LASOCO QEYBTA XIGTA IYO JIMCAHA XIGA INSHA ALLH 

halkaan ka akhriso Qeybtii 5

halkaan ka akhriso Qeybtii 4

halkaan ka akhriso Qeybtii 3