
4,035 total views, 1 views today
Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray Degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.
Dagaalka kadib ayaa waxaa la sheegay in ciidamo boolis ah oo gurmad ahaan u baxay qarax miino ay kula kacday goob u dhow saldhiga degmada Hilwaa sida ay dad Goobjoogayaal ah ay warqaat.com u sheegeen.
Inta la ogyahay Afar askari oo boolis ah ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana waa ay ku dhawacmeen.
Ilo Wareedyo ayaa sheegay in khasaaro uu soo gaaray Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Weli majiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Booliska Soomaaliya, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalkii iyo qaraxii xalay ka dhacay Degmada Hilwaa ee Gobalka Banaadir.