Dagaal ka socda Balcad

31 total views, 1 views today

Sida Ay Sheegayaan Wararka Inaga Soo Gaaraya Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Al-Shabaab Ayaa Weerar Abaabulan Waxa Ay Ku Qaadeen Gudaha Degmadaasi Oo Ay Ku Sugan Yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Iyo Kuwa AMISOM.

Shabaab Ayaa La Sheegay In Degmada Ay Ka Weerareen Jihooyin Kala Duwan, Waxaana Hada La Soo Warinayaa In Halkaasi Uu Ka Socdo Dagaal Culus.

Warar Madax Banaan Ayaa Sheegaya Xoogaga Shabaab In Ay U Suuragashay In Ay La Wareegaan Gacan Ku Heynta Meelo Ka Mid Ah Degmada, Sida Xarunta Degmada Iyo Saldhiga Ciidanka Booliska, Kadib Markii Ay Ka Baxeen Ciidamada Dowladda.

Dadka Degaanka Qaarkood Oo Aan La Xiriinay Ayaa Waxa Ay Inoo Sheegeen In Ay Arkeen Rag Shabaab Ka Tirsan Oo Gudaha U Soo Galay Degmada, Mararka Qaarna Ay Maqlayaan Rasaas Iska Hor Imaad Ah.

Wariyeyaal Ku Sugan Degmada Balcad Ayaa Warqaat.Com U Sheegay In Shabaab Ay Qarxiyeen Xarumaha Qaar Ee Ay Gacanta Ku Dhigeen, Sidoo Kalena Dadweynaha Ay Isugu Yeereen Oo Ay Khudbado U Jeedinayaan.

Maamulka Degmada Oo Aan La Xiriirnay Ayaa Waxa Ay Inoo Sheegeen In Weerarka Uu Jiro, Balse Hada Aanay Wax War Ah Ka Bixin Karin Dagaalkan.