Dagaal beeleed maanta ka dhacay Gobalka Galgaduud.

A0CDDX 060606 Armed militia on Technical support vehicle patrol in Lower Shabelle area, Southern Somalia.

1,747 total views, 1 views today

Wararka ka imaanaya Degmada Balanbale ee Gobalka galgaduud ayaa sheegaya in labo maleeshiyo beeleed ay maanta ku dagaalameen degmadaasi.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lagu magacabaa Hardis, iyadoona la soo warinayo in khasaaro lixaad leh uu ka dhashay dagaalkaasi.

Dagaalka ayaa salka ku hayo aano qabiil, sida ay sheegayaal dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Deegaanka Hardis ee hoostaga degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.