Dag Dag Ah:-Qarax Miino Oo Goor Dhow Lala Beegsaday Ciidamo Ka Tirsan Dowlada.

19 total views, 1 views today

Wararka Ka Imaanaya Deegaanka Tareedisho Ayaa Sheegaya In Laba Askari Ay Geeriyootay Laba Kala Ay Dhaawacmeen Ka Dib Markii Gaari Ay Saarnaayeen Ciidamadaasi Lala Beegsaday Qarax Miino Ciidmadaan Oo Marayay Wadada Ku Taal Deegaanka Tareedisho.

Askartaan Ayaa Saarnaa Gaari Nuuca Raaxa Ah Waxay Lasocdeen Gaari Cabdi   Bila Ah Oo Ka Horeeyay Lama Oga In Qarax Ayaga Lala Damacsanay Iyo In Gaari Cabdi Bilaha Lala Beegsan Rabay.

Ciidamada Ayaa Rasaas Furay Markii Qaraxa Miino Uu Dhacay Ka Dib.

Dad Goob Joogyaal Ah Warqaat.com Lahadlay Ayaa Sheegay In Ciidamada Qaraxa Lala Eegtay Ay Ahaayeen Ciidamo Militeri Ah.

Waxaaa Hadda Dagan Deegaanka Tareedisho Ee Duleedka Magaalada Muqdsiho Oo Daqiiqado Ka Hor Qarax Miino Lagula Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Dowlada.