Dadka wararka been abuurka ah ka faafiya dowlada Somalia oo digniin adag loo jeediyey…

22 total views, 2 views today

Wasiirka Amniga Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale Ayaa Digniin U Diray Dadka Ka Shaqeeya Faafinta Wararka Been Abuurka Ah Gaar Ahaan Baraha Bulshada.

Maxamed Abuukar Islow Ducaale Ayaa Sheegay In Aysan Aqbali Doonin Khal Khal Gelinta Ammaanka Dalka Iyo In Been Laga Sheego Hay’ddaha Ammaanka Oo Xaalado Adag Ku Shaqeynaya.

Wasiirka Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Ayaa Sheegay In Wasiirka Amniga Uu Golaha Wasiirada Ka Hor Sheegay In Si Adag Loola Xisaabtamayo Dadka Ka Shaqeeya Faafinta Wararka Been Abuurka Ah Iyo Kuwa Amniga Dalka Lagu Qal Qal Gelinaya.

Wasiirka Ayaa Xusay Inay Ka Shaqeynayaan Xasilinta Degaanada Laga Saaro Al-Shabaab Ee Gobolada Dalka

Dhinaca Kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ayaa Isna Shaaca Ka Qaaday Iney Jiraan Dad Dano Gaar Ah Leh Oo Uu Sheegay Inay Wadaan Abaabul Lagu Duminayo Dowladda Soomaaliya Loogana Hortagayo Shaqada Xukumadda.

Waxaa Uu Carabka Ku Dhuftay In Qaswadayaasha Diidan Inay Nabad Ka Dhalato Soomaaliya Ay Mar Waliba Heegan U Yihiin Iney Damiyaan Iftiinka Kasta Oo Dhanka Wanaaga Uga Bidhaama Shacabka Soomaaliyeed, Iyagoo Ficil Kasta Oo Dowladu Qaado Bulshada Ugu Fasiraya Si Qaloocan.

Wasiiradan Ayaa Saxaafada La Hadlay Ka Dib Kulankii Caadiga Ahaa Ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.