Dadka ku waxyeeloobay Dab ka dhacay Isbitaal ku yaalla K/Kuuriya oo sii kordhay.

14 total views, 1 views today

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Caafimaadka ee Kuuriyada Koofureed, Maanta oo Jimco ah dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Dalkaasi ayaa sababay Geerida 31-qof, in ka badan 50-kalane waa ay ku waxyeeloobeen.

Wakaaladda Yonhap News Agency oo soo xiganeysa Saraakiisha Kooxda Dab damiska ah ayaa daabacday in 31-qof ay dhinteen kadib markii intooda badan ay qabatimoobeen (Naqaska ku dhigay), halka kuwo kalane uu gaaray dabka.

Magaalada Isbitaalka dabku qabsaday uu ku yaalla ayaa ah Miryang waxayna Seoul oo ah Caasimadda Koofurta Korea u jirtaa 270km dhanka Koofur galbeed.

Kooxaha Dab damiska iyo kuwa Gurmadka Deg dega oo iskaashanaya ayaa isbitaalka kasoo saaray Bukaanada Gudaha jiray, inta ay socotay howlaha lagu daminayo dabka ka kacay qeybta Gargaarka Deg deg ah.

Dabka ayaa ku fidey qeybo ka baxsan halka uu markii hore ka kacay, Warbaahinta qaar ayaa daabacday in Dhimasho ay kor usii dhaafeyso 41-qof, Maadaama Wararka Dabka la xariira daqiiqad waliba ay isa soo tarayaan.

Mas’uuliyiinta Seoul ayaa kulan deg deg ah ka leh dabkaan ka ka kacay Isbitaalka, waxaana lagu wadaa in ay kasoo saaraan Tiro koob la xariira dadka waxyeelo ay gaartay iyo waxyaabaha dabka sababay.

Bishii Disembar, 29 qof ayaa ku Geeriyootay dab ka kacay Xarun Caafimaadka oo lagu jirdhiso dadka kasoo bogsada Jabka oo ku taalla Koofurta Kuuriya.