Dad Weynaha Kunool Sanaag oo looga digay ka ganacsiga Diinta iyo Ciqaab adag oo la marsiinayo Cidii lagu arko

20 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag  Axmed Cabdi Falaay ayaa waxa uu ka digay xayawaanka Diinka oo uu sheegay in aad looga ugaarsado gobolka Sanaag gaar ahaan deegaannada hoos yimaada magaalada Ceerigaabo.

Badhasaabku wuxuu sheegay in ciddii falkaas ay ku qabtaan ay ka qaadi doonnaan tallaabo sharciga waafaqsan.

Ka ganacsiga xayawaanka Diinta ayaa markii ugu horraysay dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho ee caasimadda waddanka Soomaaliya.

Lama oga sababta saxda ee ka dambeysa ugaarsiga iyo waxa laga helo balse waa sheeko ganacsi isku badashay.

Wasaaradda Caafimaada Soomaaliya ayaa ka digtay iibsiga Xayawaanka Diinta oo maalmihii u danbeeyay si aad ah loo hadal hayay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.