DAAWO SAWIRRO:Xulka Kubadda Cagta Banaadir Oo 3-Gool Iyo Waxba Uga Badiyay Galmudug,

27 total views, 1 views today

Xulka Kubadda Cagta Ee Gobolka Banaadir Ayaa Noqday Kooxdii U Horeysay Ee U Soo Baxday Wareega Afar Dhamaadka Ama Sema Finalka, Kaddib Markii Ciyaartii Galabta Ay 3-0 Uga Badiyeen Xulka Kubadda Cagta Ee Galmudug.

Ciyaartoyda Gobolka Banaadir Ayaa Soo Bandhigay Ciyaar Ay Xirfadeeda Sareysay, Isla Markaana Cashar U Dhigay Ciyaartoyda Galmudug.

Labo Ka Mid Ah Goolasha Waxaa Xulka Gobolka Banaadir U Dhaliyay Ciyaaryahan Cabdimajiid Oo Ahaa Ciyaaryahankii Muranka Dhaliyay Ee Xulka Kubadda Jubbaland Ay Cabashada Ka Keeneen, Isla Markaana Ku Tilmaamay Inuu Yahay Ciyaaryahan Ajnabi Ah Oo U Dhashay Dalka Kenya, Balse Wasaaradda Ciyaaraha Iyo Xiriirka Kubadda Cagta Ay Sheegeen Inuu Yahay Ciyaaryahan Soomaali Ah.

Ciyaartoyda Jubbaland Ayaa Waxaa Kaarka Cas Laga Siiyay Ciyaaryahan U Sitay Nambarka 6aad, Kaddib Markii Kubad Ku Sii Socotay Goosha, Oo Soo Dhaaftay Goolhayaha Uu Gacan Ku Soo Bixiyay, Taasoo Garsooraha Uu Kaarka Cas Ku Siiyay, Isla Markaana Rigoore Ama Gool Ku Laad Laga Dhigay.

Xulka Kubadda Cagta Ee Banaadir Ayaa 6 Dhibcood Ugu Soo Gudbay Wareega Sema Finalka, Waxaana Groupka Laga Sugayaa Xulka Jubbaland Iyo Galmudug, Midii Soo Badisa Ciyaarta Labaad, Iyadoo Jubbaland Bar Bar Dhac Kasta Oo Ay La Gasho U Soo Baxeyso Wareega Sema Finalka.

Daawashada Ciyaartii Galabta Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare, Xildhibaano, Senator Iyo Mas’uuliyiin Kale.

Tartanka Ciyaaraha Maamul Goboleedyada Iyo Gobolka Banaadir Ayaa Meel Xiiso Leh Maraya, Waxaa Maalinta Berri Wada Ciyaari Doona Ciyaartoyda Matala Maamul Goboleedka Puntland Iyo Kuwa Hirshabeelle, Inkastoo Hirshabeelle Ciyaartii Hore Laga Soo Badiyay, Halka Puntland Ay Ciyaarteeda U Horeysay Ee Tartanka Berri Ciyaari Doonto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.