DAAWO SAWIRRO:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Ka Qeyb Galay Munaasabadda Maalinta Ciidanka Booliska…

23 total views, 3 views today

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Oo Ka Qeyb Galay Sannad-Guurada 74-Aad Ee Aas-Aaska Ciidammada Booliska Soomaaliyeed Ayaa Hambalyo U Diray Dhammaan Taliska Iyo Qeyaha Ciidamadda Booliska Munaasabadda 20-Ka December Awgeed.

Mudane Khayre Waxuu Tilmaamay Muhiimadda Ay Ciidanka Booliska U Leeyihiin Qaranka Islamarkaana Ku Amaanay Sida Geesinimada Leh Ay U Gudanayaan Waajibaadkooda. Isagoo Ubax Dhigay Taallo Loo Sameeyey Askartii Ku Shahiiday Falkii Argagixiso Ee Dhowaan Ka Dhacay Dugsiga Tababarka Booliska Ee Jen. Kaahiye.

“Waxaan Hambalyo U Dirayaa Taliska Iyo Heerarka Kala Duwan Ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Aan Maanta U Dabaal Dagayno Sanadguuradii 74-Aad Ee Ka Soo Wareegatay Aas-Aaskooda. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Waa Hooyadda Dhammaan Ciidammada Kala Duwan Ee Soomaaliya Leedahay”.Ayuu Yiri RW Khayre.

Ra’iisul Wasaare Khayre Ayaa Sheegay In Boolisku Yahay Halbowlaha Nabadda Iyo Dhowrista Sharciga, Isagoo Ugu Baaqay Inay Laban Laabaan Waxqabadkooda, Ayna Feejignaadaan Har Iyo Habeenba, Si Looga Hortago Dhagarta Caddowga, Loona Baajiyo Dhiiga Shacabka Oo Ay Kooxaha Nabadiidku Sida Micno Darida Ah U Daadinayaan.

Sidoo Kale Waxaa Meesha Joogay Xub No Kamid Ah Labada Aqal Ee Barlamanka Soomaaliya Iyo Masuuliyiin Kale Oo Dowlada Ushaqeeya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.