DAAWO SAWIRRO:Fannaanad caan ah oo xabsi ku muteysatay Muuqaal laga duubay iyadoo Moos cuneysa…

85 total views, 2 views today

Fannaanad Caan Ah Oo U Dhalatay Dalka Masar Ayaa Xabsi Labo Sano Ah Ku Muteysatay Muuqaal Ay  Iska Duubtay Ayadoo Xiran Dharka Jiifka, Moos-Na Cuneysa.

Shaimaa Axmed, Oo 25 Sanno Jir Ah Ayaa La Xiray Ka Dib Markii Muuqaalkeeda Uu Ka Dhashay Caro Iyo Dhalliil Kaga Imaaneysay Shacabka Dalka Masar Oo U Badan Muslimiin.

Talaadadii Ayaa Lagu Helay Dembi Ah In Ay Anshax Xumo Faafineysay Iyo Baahinta Muuqaal Aan Wanaagsaneyn, Sida Warbaahinta Gudaha Dalkaasi Ku Warrameen.

Soo Saaraha Muuqaalka Ayaa Sidoo Kale Lagu Xukumay Laba Sanno, Isagoo Ka Maqnaa Maxkamadda.

Shyma Ahmed Ayaa Intaa La Xirin Ka Hor, Raaligelisay Dadka Muuqaalkii Heesteeda “Arrin Baa I Haysata” Sida Xun U Fahmay.

“Kuma Fikirin In Waxaan Oo Dhan Ay Dhacayaan Oo Aan La Kulmayo Weerar Sida Oo Dhan U Xoog Badan Oo Qof Kaste Iiga Imaanayo,” Ayey Ku Qortay Boggeeda Facebook Oo Markii Dambe Hawada Laga Saaray.

Sannadkii Tagay, Maxkamado Ku Yaalla Masar Ayaa Seddax Dumar Oo Qoob Ka Ciyaar Sameeya Ku Xukumay Min Lix Bilood Oo Xabsi Ah, Ka Dib Markii Lagu Helay Dembi Ah In Dareen Kicin Ah Ku Sameeyeen Muuqaal Hees Oo Laga Duubay.

33 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.