DAAWO SAWIRRO:Dalxiisayaal Somalia Yimid Oo Booqday Halka Ay Iska Galaan Badda Cas Iyo Badweynta India

32 total views, 1 views today

Somalia Oo Leh Dhul Qurux Badan Oo Ku Wanaagsan Dalxiiska Ayaa Waxaa Dhawaan Booqday Koox Dalxiisayaal Ah Oo La Magac Baxdey Kooxda Nabada Ee (Extreme East).

Waxay Safar Dalxiis Ku Mareen Degaano Ka Tirsan Somaliland Iyo Puntland, Iyagoo Booqday Xeebta Degaanta Xaafuun Ee Gobolka Bari Oo Ah Meesha Ay Ku Kulmaan Badda Cas Iyo Badweynta Hindiya.

Kooxdan Dalxiiseyaasha Ah Oo U Dhashay Dalka South Afrika Ayaa Waxay Ku Soo Daabaceen Bartooda Facebook In Meelaha Somalia Ka Tirsan Ee Ay Booqdeen Ay Ka Muuqatay Calaamado Muujinaya Nabadda Iyo Taariikhda Fog Ee Dhulka Raasiga Kadib Maalmihii Xukunkii Talyaaniga Ee Soomaaliya.

“Waxaanu Dareemnay Raxmadda Iyo Saaxiibtinimada Dadka Soomaaliyeed Ee Aan La Kulannay, Iyadoo Waqti Adag Lagu Jirana Naga Caawiyay In Aan Gaarno Goobaha Aan Soo Booqanay,” Ayay Yiraahdeen.

Waxaan Rajaynaynaa Bay Yiraahdeen In Maalin Uun Nabadgelyo Ka Hanaqaadi Doonto Soomaaliya Si Dadka Kale Ay Sidoo Kale U Awoodaan Inay Soo Booqdaan Dhulkan Xaafuun Ee Puntland Ka Tirsan Oo Ah Meel Aan Caadi Ahayn Oo Aad U Qurux Badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.