DAAWO SAWIRRO:Dab Ka Kacay Guri Ku Yaallo Degmada Yaaqshiid Ee Muqdisho Oo Khasaaro Dhaliyay

16 total views, 1 views today

Wararka Naga Soo Gaaraya Degmada Yaaqshiid Ee Gobolkaan Banaadir Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Guri Ku Yaalla Degamadaas Uu Ka Kacay Dab Khasaaro Dhaliyay.

Guriga Uu Dabkan Ka Kacay Ayaa U Dhow Xarunta Degmada Yaaqshiid Oo Ku Taalla Xaafada Suuq Bacaad,Waxa Ayna Goobjoogayaal Ay Sheegeen In Uu Debka Dhammaan Baabi’iyay Guriga.

Sawirro Laga Soo Qaaday Ayaa Muujinaya Burburka Uu Guriga U Geystay Debka Iyo In Ay Gubteen Agabkii Kala Duwanaa Ee Gurigaas Yaalay.

Dadka Ka Agdhow Guriga Ayaa Bilaabay In Ay U Gurmadaan Qoyskas Uu Gurigooda Dabka Ka Kacay Si Ay U Demiyeen Weli Lama Sheegin Khasaaro Nafeed Ee Uu Geystay Debkaas.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.