DAAWO SAWIRRO: Wariye lagu eedeeyay Jaajuus Itoobiyan oo laga masaafurinayo magaalada Jowhar….

19 total views, 2 views today

Wariyaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka gudahiisa ayaa dalbanaya in la soo daayo Wariye C/shakuur C/llaahi Axmed oo mudo shan cisho ah ku xiran Xabsiga magaalada Jowhar.

Wariye C/shakuur C/llaahi Axmed oo magalaada Jowhar uga soo warama Tv-ga RTN ee fadhigiisu uu yahay magaalaa Nairobi ahna Agaasimaha Idaacad maxali ah oo ku taalo magaalada Jowhar ayaa la ogeyn sababta uu u xiran yahay iyadoo la sheegayo inuu amarka xiritaankiisa bixiyay maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe.

Wararka qaar oo Wariyaasha ay isla dhexmarayaan ayaa sheegaya in Wariye Shaashaa lagu heysto Fal jaajuusnimo uu u sameeyo Itoobiya,islamarkaana uusan Gobolka u dhalan.

Wariyaasha,madaxda Warbaahinada iyo Qeybaha kala duwan ayaa ugu baaqay maamulka Hirshabeelle in la sii daayo Wariyaha oo wararka qaar ay sheegayaan inuu Xabsiga ku xanuunsanayo.

Waa Wareyihii labaad oo lagu xiro magaalada Jowhar,iyadoo dhawaan Xabsiga laga sii daayay Wariye u shaqeynayay Tv-ga Universal ee magaalada Jowhar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.