DAAWO SAWIRRO: Shir Looga Hadlayay Sinnaanta Fursadaha Shaqaaleysiinta Haweeenka Oo Lagu Qabtay Muqdisho

29 total views, 1 views today

Shir Looga Hadlayay Sinnaanta Fursadaha Shaqaaleysiinta Haweeenka  Oo Uu Soo Agaasimay Gudiga Haweenka Ee Xiriirka Guud Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed Ayaa Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

Shirka Ayaa Looga Dooday In Meel Looga Soo Wada Jeesto Sidii Xaquuqda Haweenka Kor Loogu Qaadi Lahaa Si Ay Uga Qeyb Galaan Shaqaalaysiinta Shirkadaha Gaarka Ah Iyo Hay’adaha Dowladda.

Sheekh Cabdullahi Garuun Ayaa Sheegay In Dood Wadaagan Uu Ahmiyad Gaar Ah U Leeyahay Haweenka, Isla Markaana Ay Muhiim Tahay In La Cadeeyo Doorka Ay Haweenka Siineyso Diinta Islaamka Iyo In Aysan Diinta Islaamka Diidin In Ay Haweenka Shaqeeyaan.

Aamino Xusseen  Oo Ka Socotay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed  Ayaa Ku Boorisay In La Garab Istaago Haweenka, Isla Markaana Aan La Dafirin Xaquuqda Ay Dalka Ku Leeyihin.

Maryan Maxamed Cilmi  Oo Iyana  Ka Socotay Dallada Socensa  Ayaa Ku Dheeraatay In Ay Haweynka Soomaaliyeed Cid Gurigooda Wax Ugu Geynayso In Aysan Jirin Ay Tahay In Iyaga U Dagalamaan Xuquuqdooda Ay Soo Dhacsadaan Xaqa Ay Leeyihiin Oo Ay Ugu Horeyso In Ay Shaqo Hesho.

Waxayna Intaas Ku Dartay  In Aysan Gorgortan Ka  Galeynin Xaquuqda Haweenka Ay Ku Leeyihiin  Dalka.

Guddoomiyaha Gudiga Haweynaka Ee Xiriirka Guud Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed   Xaliimo Cabdullahi  Sheekh Rashiid Oo Shirka Ka Hadashay Ayaa Sheegtay  In Haweenka Ay Noqdaan Kuwa Ka Madax Banaan Qabyaaladda Iyo Kala Qeybsanaanta, Si Ay Uga Qeyb Qaataan Hanaanka Shaqaaleysiinta Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Haweenka Ee Xiriirka Guud Ayaa Tilmaamtay In Haweenka Soomaaliyed Ay Heli Karaan Xuquuqda Ay Leeyihiin Hadii Ay Badiyaan Kulamada Sidaan Oo Kale Ah Oo Ay Uga Tashanayaan Aayahooda Iyo Inaan Marnaba Laga Aqbalin Ganacsatada Iyo Dowladda In Xuquuqdooda La Duudsiiyo.

Xoghayaha Xiriirka Guud Axmed Xassan Cumar Oo Soo Bandhgay Waxa Looga Doodayo Kulanka Ayaa Sheegay In Si Fiican Looga Doodi Doono Qodabadaan Soo Socda

1.Maxaa Ka Hortaagan Haweenka Soomaaliyeed In Ay Helaan Fursado Shaqo.

2-Waa Maxay Doorka Culimada Soomaaliyeed Uga Aadan In Ay Gabdhaha Soomaaliyeed Haleen Fursado Shaqo.

3-Maxay Tirada Gabdhaha Soomaaliyeed Ugu Yaryihiin Goobaha Shaqada .

4-Waa Maxay Doorka Dowladda Soomaaliyeed Uga Aadan Si Loo Xaqiijin Laha In Gabdhuhu Fursado Shaqo Helaan.

5.Maxaa Ka Hortaagan Gabdhaha In Jagooyin Sar Sare Ka Qabtaan Goobaha Ay Ka Shaqeeyaan.

6-Sidee Loo Heli Karaa Sinnaan Xagga Fursadaha Shaqo Ee Dumarka.

Ugu Danbeyn Waxaa  Shirka Soo Gaba Gabeeyay Guddoomiyha Xiriirka Guud Maxamed Cisman Xaaji Wuxuuna Ku Booriyay Gabdhaha Xubnaha Ka Ah Xiriirka Guud Ee Illahay U Suura Galiyay In Ay Shaqo Heleen In Ay Ka Shaqeeyaan Sidii Ay Uga Shaqeyn Lahaayeen Goobaha Shaqada In Ragga Iyo Dumarka Isla Ekaadaan Ama Dumarka Ka Bataan Ragga Maadaama Dumarka Tiro Ahaan Ka Badan Yihiin Ragga

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.