DAAWO SAWIRRO: Shir Kusaab San Cadaalada Kajirta Dalka Soomaaliya…

23 total views, 1 views today

Magaalada Jowhar Ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle Ayaa Waxaa Maanta Lagu Soo Gabagabeeyay Shir Looga Hadlayay Nooca Caddaaladda Iyo Asluubta Ee Lagu Dhaqayo Soomaaliya, Kaasoo Ay So Qaban Qaabisay Wasaaradda Caddaaladda Iyo Garsoorka Ee Dowladda Soomaaliya.

Kulankan Oo Socday Muddo Labo Maalmood Ah Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Wasiirrada Caddaaladda Maamul Goboledyada Dalka Iyo Wasaaradda Caddaaladda Iyo Arrimaha Garsoorka  Ee Dowladda Federaalka.

Waxaa Sidoo Kale Kulanka Goobjoog Ka Ahaa Madax Ka Socotay Beesha Caalamka Iyo Mas’uuliyiin Uu Ka Mid Yahay Wasiir Kuxigeenka Dastuurka Ee Soomaaliya.

Munaasabadda Lagu Saxiixayay Ku Saabsan Nooca Caddaaladda Iyo Asluubta Ee Ay Iska Kaashanayaan Dowladda Dhexe Iyo Maamul Goboledyada Ayaa Waxaa Ka Qeyb Galay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Iyo Madaxweyne Kuxigeenka Cali Guudlaawe Xuseen

Waxaa Munaasabadda Khudbad Ka Jeediyay Wasiirrada Maamul Goboleedyada Iyo Wasiirka Cadaaladda Iyo Garsoorka Dowladda Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen.

Stephan Thilander Oo Ahaa Wakiilka Ku Hadlay Magaca Qaramada Midoobay Ayaa Sheegay In Loo Baahan Yahay In La Iska Kaashado Arrimaha Caddaaladda, Si Horumar Looga Gaaro Nidaamka Garsoorka Ee Soomaaliya Oo Sanadahii Ugu Dambeeya Ahaa Mid Aad U Hooseeyo.

Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabeelle Oo Ka Hadlay Goobta Ayaa Sheegay In Ay Soo Dhoweynayaan Qorshaha Ayaa Waddo Wasaaaradda Caddaalada Iyo Garsoorka Ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare Oo Khudbad Ka Jeediyay Gabagabada Munaasabadda Ayaa Sheegay In Maamulka Hirshabelle Ay Ka Shaqeynayaan Sidii Loo Hagaajin Lahaa Arrimaha Caddaaladda Iyo Gasroorka Waxaa Uu Sheegay In Arrintan Ay Soo Afjareryso Colaadaha, Isagoo Intaa Ku Daray In Loo Baahan Yahay In Mar Walba Uu Sareeyo Sharciga.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Waare Iyo Wasiirka Caddaaladda Dowladda Soomaaliya Ayaa Dhagax Dhigay Xabsiga Dhexe Ee Laga Dhisayo Magaalada Jowhar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.