DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre Oo Kormeer Kadis Ah Ku Tagay Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud Ee Qaranka…

23 total views, 1 views today

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Kormoor Shaqo Oo Uu Ku Tagey Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud Ee Qaranka Ka Sheegay In Xukuumaddu Ay Xooga Saareyso La-Dagaalanka Musuq-Maasuqa, Maadaama Barnaamijka Dawladda Ay Ugu Muhiimsan Tahay Isla-Xisaabtanku.

Ra’iisul Wasaaraha Oo La Hadlayay Hanti-Dhowrka Guud Ee Soomaaliya Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) Iyo Hawl-Wadeenadiisa Ayaa Sheegay In Dawladdu Ay Qaaday Tallaabooyin Wax-Ku-Ool Ah Oo Lagu La Dagaalamayo Masuqa, Dhawaana Baarlamaanka La Horgeynayo Guddiga La Dagaalanka Musuq-Maasuqa, Loona Baahan Yahay In Cid Waliba Ay Arrintaa Masuuliyad Gaar Ah Iska Saarto.

“Waxaa Dawladdu Ku Talaabsatey Horumar Dhinacyada La-Dagaalanka Musuqmaasuqa Ah. Si Loo Hiigsado Horumar Waa Inaan Meel Cad Iska Taagnaa Cid Walba Oo Sameynaysa Musuqa Ama Dhiiragelineysa. Dhawaan Waxaa Baarlamaanka Horgeyn Doonnaa Guddiga Madaxa Banaan Ee La-Dagaalanka Musuqmaasuqa, Horumarinta Iyo Tayeynta Hey’adaha Ka-Hortagga Musuqa Waa Naga Go’an Tahay.”Ayuu Yiri R/Wasaaraha.

Mudane Xasan Cali Khayre Ayaa Tilmaamay In Tallaabooyin Wax-Ku-Ool Ah Oo Loo Qaado Dhinaca La Dagaallanka Musuqmaasuqa, Laguna Horumariyo Hufnaanta Iyo Isla Xisaabtanka, Ay Taasi Fure U Noqoneyso Horumar Bulsho Oo Taabbagala.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.