DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre Iyo Sheekh Shariif Oo Kulmay Iyo Xil Culus Oo Loo Magacaabayo…

28 total views, 2 views today

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ayaa Maanta Magaalada Muqdisho Kula Kulmay Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaare Kheyre Ayaa Kala Hadlay Shariif Xaaladda Soomaaliya Iyo Sidookale Sidii Uu Kaga Qeyb Qaadan Lahaa Dejinta Xiisaddaha Kala Duwan Ee Ay Wajaheyso Xukuumadda Soomaaliya.

Sheekh Shariif Ayaa Ka Mid Ah Shaqsiyaadka Ah Sameyn Weyn Ku Leh Siyaasadda Soomaaliya, Waxaana Uu Dhawaan Dib Ugu Soo Laabtay Soomaaliya.

Waxaa Sidoo Kale Soo Baxayay Maalmihii Lasoo Dhaafay In Dowladda Soomaaliya Ay Dooneyso In Ay Xil U Magacowdo Sheekh Shariif.

Waxaa Uu Ka Mid Ahaa Sidoo Kale Musharaxiinta Ugu Sameynta Badnaa Doorashadii Uu Kusoo Baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.