DAAWO SAWIRRO: Masuuliyiintii Ku Geeriyootay Qaraxii Shabeellaha Hoose Oo Maanta Muqdisho Lagu Aasay

20 total views, 1 views today

Allaha u naxariistee waxaa Maanta Muqdisho lagu aasay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cli (Baraf) iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Faarax oo ka tirsanaa Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Masuuliyiintaan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay ku geeriyoodeen qarax qabsaday gaari ay la socdeen xili ay marayeen Wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Walnweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Khabuura Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu aasay Marxuumiintaas,waxana ka qeyb galay masuuliyiin ka kala  tirsan dowladda Soomaaliya, Maamulada  Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle oo ay ka mid ahaayeen gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle iyo Ehelada Marxuumiinta.

Dhammaan dadkii ka qeyb galay Aaska,ayaa waxa ay Alle uga baryeen in Janadii fardowso ka waraabiyo,isla markaana baaritaan dhab ah lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay qaraxa lagu dilay Masuuliyiintaas.