Daawo Sawirro:-Madaxweynaha Soomaaliland Oo La Kulmay Safiirka Denmark U Qaabilsan Soomaaliya…

???????????????????????????????

20 total views, 1 views today

Madaxweynaha Maamulka  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Madaxtooyada Maamulkaas Ee Magaalada Hargeysa Waxa Uu Ku Qaabiley Wafdi  Ay Hoggaaminaysay Safiirka Denmark U Qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen Oo Ay Wehelinayso Anne Elisabeth Oo Ah Madaxa Xafiiska Hay’adda Horumarinta Caalamiga Ah Ee Dalka Denmark  U Qaabilsan Soomaaliya.

Muuse Biixi Cabdi Waxa Uu Safiirka Ku Bogaadiyey Boqashada Ay Ku Timid Somaliland, Isagoo Ku Hambalyeeyey Doorka Muuqda Ee Dalka Denmark Ka Qaato Kaalmooyinka Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland Ee (Sdf), Iyo Hay’adaha Ka Hawl-Gala Somaliland, Iyo Xiriirka Saaxiibtimimo Ee Ka Dhexeeya.

Sidoo Kale Waxa Uu Warbixin Ka Siiyey Qorshayaasha Xukuumadda Ee Shanta Sanno Ee Soo Socda Iyo Xaaladda Guud Ee Abaaraha Ka Soo Cusboonaaday Xeebaha Iyo Gobolada Soomaaliland, Isaga Oo Ku Dhiirri-Geliyey Madaxweynuhu Sidii Ay Gacan Uga Geysan Lahaayeen Arrinta Abaaraha.

Sidoo Kale Waxa Uu Madaxweynuhu U Bandhigay Dedaalka Xukuumaddu Ugu Jirto Sidii Aanay Doorashooyinka Golayaasha Wakiillada Iyo Deegaanku Dib Uga Dhici Lahayn Wakhtigii Loo Qorsheeyey Oo Ah Horraanta Sanadka 2019ka.

Labada Masuul Ayaa Sidoo Kale Waxa Ay Ka Wada Hadleen  Sidii Ay Isaga Kaashan Lahaayeen Labada Dhinac Shaqo Abuur Ay Helaan Dhalinyarada Somaliland Oo U Baahan Jihayn Iyo In Loo Abuuro Shaqooyin, Waxaanu Madaxweynuhu Kala Hadlay Safiirada Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Lagu Wado Inay Dhawaan Dib U Bilowdaan.

Dhinaca Kale Safiirka Denmark U Qaabilsan Soomaaliya Amb. Mette Knudsen  Waxa Ay Sheegtay In Ay Xoojin Doonaan Ka Denmark Ahaan Xiriirka Labada Dhinac Ka Dhexeeya, Isla Markaana Ay Xoogga Saari Doonaan Iskaashiga Labada Dal  Iyo Horumarinta Ganacsiga, Waxaanay Madaxweynaha Ku Hambalyeysay Hannaankii Hufnaa Ee Ay U Dhacay Doorashadii Madaxtooyada Ee Qabsoontay November 2017.