
42 total views, 1 views today
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safarkiisii ugu horeeyay ku tegey dalka Jabuuti kadib markii loo doortay Madaxtinimada maamulka Somaliland.
Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona maalmo kooban waxaana martiqaad rasmi ah u soo diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxweyne Biixi ayaa la kulmay Madaxweyaha dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle iyagoo wadahadlo ku yeeshay madaxtooyada Jabuuti.
Kulankan ayaa labada mas’uul waxa ay ugaga wadahadleen sii xoojinta xiriirka u dhexeeya,waxaana kulankan goobjoog ka ahaa qaar kamid ah golaha wasiirada labada maamul.
Be the first to comment