DAAWO SAWIRRO: Maamulka gobolka Banaadir oo soo dhoweeyay fanaanada Faadumo Cali Nakruuma

39 total views, 1 views today

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Xalay Casho iyo Xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay Fananadda caanka ah ee Faadumo Cali Nakruuma iyo fanaaniin kale, kuwaasi oo maalmahaanba ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Xafladaasi oo uu soo agaasimay Maamulka Gobolka Banaadir ee uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Thabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye iyo masuuliyiin kale, waxaa looga gol lahaa in lagu dhiirigaliyo Fanaaninta Soomaaliyeed ee sugan Dalka Dibaddiisa inay ku dhiiradaan inay yimaadaan Dalka, islmarkaana ka qeybqaataan horumarada ka socda Dalkooda.

Munaasabadda Casho sharafta aheyd, waxaa heeso madadaalo ah ka soo jeediyay Kooxda Fanaaniinta Gobolka Banaadir.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka dib ug usoo laabanayay fanaaniinta Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku nool.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.