DAAWO SAWIRRO: Guddiga doorashooyinka madaxa banaan Xaliimo Ismaaciil oo maanta booqatay degmada Balcad …

27 total views, 1 views today

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Marwo Xaliimo Ismaaciil Iyo Wafdi Ay Horkacayso Ayaa Maanta Gaaray Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/Dhexe.

Wafdigaan Ayaa Ujeedka Socdaalkoodu Uu Ahaa Sidii Ay Dadka Ku Nool Degmada Balcad Loogu Gudbin Lahaa Qorshaha Doorashooyinka Dalka Ee Qof Iyo Cod Ee La Filayo Inay Ka Dhacdo Dalka Soomaaliya Sanadka 2020ka.

Wafdiga Waxaa Kusoo Dhoweeyay Degmada Balcad Masuuliyiin Katirsan Maamulka Degmada Balcad Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ku Dhaqan Balcad.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxa Banaan Marwo Xaliimo Yarey Ayaa Kulan La Qaadatay Mas’uuliyiinta Degmada Balcad Iyadoo U Gudbisay Qorshaha Doorashada Iyo Waxyaabaha Loogaga Baahan Yahay Shacabka Degmada Balcad Iyadoo Aad Ugaga Mahadcelisay Sida Wanaagsan Ee Loogu Soo Dhoweeyay Degmada Balcad.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Balcad Mudane Qaasim Cali Nuur Ayaa Sheegay In Ay Ku Faraxsan Yihiin Imaanshaha Wafdigan.

Waxaana Uu Sidoo Kale Sheegay In Ay Diyaar U Yihiin In Ay Ka Qeyb Qaataan Doorashada La Filayo In Ay Soomaliya Ka Dhacdo Sanadka 2020 Taasoo Ah Doorasho Qof Iyo Cod Ah
Ugaas Maxamed Weli Ugaas Xuseen Islaaw Oo Ka Mid Ah Duubabka Dhaqanka Ee Maamul Gobaleedka Hir Shabeelle Ayaa Sheegay In Ay Soo Dhaweynayaan Nidaamka Cusub Ee Uu Dalka Yeelanayo Kaasoo Ah In Sanadka 2020 Dalka Ay Ka Dhacdo Doorasho Qof Iyo Cod Ah.

Ugu Dambeyntii Waxaa Halkaasi Ka Hadashay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil Ibrahim Xaliimo Yarey Waxayna Sheegtay In Sanadka 2020 Dalka Ay Ka Dhici Doonto Doorasho Qof Iyo Cod Ah Balcadna Ay Ka Mid Tahay Goobaha Laga Codeynayo.

“Degmada Balcad Waxa Ay Ka Mid Tahay Degmooyinka Aan Qorsheysanay Inaan Booqano Waxaana Aan Rajeynayaa In Fariinta Aan Idiin Keenay Ay Tahay Mid Mustaqablka Shacabka Reer Balcad U Wanaagsan.”Ayay Tiri Marwo Xaliimo Yarey.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Soomaaliya Iyo Maamulka Iyo Sidoo Kale Bulshada Ku Dhaqan Degmada Balcad Ayaa Waxa Ay Isla Qaateen In Doorashada Soomaaliya Ee La Filayo In Ay Dhacdo 2020 Taas Oo Ah Doorasho Qof Iyo Cod Ah Ay Ka Qeybqaadan Doonaan Bulshada Ku Dhaqan Degmada Balcad.

Guddiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Ayaa Sidoo Kale Waxay Booqdeen Dhowaan Magaalada Jowhar Ee Xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Iyagoo Sidoo Kale Booqasho Ku Tegey Degmooyin Ka Mid Ah Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed Iyo Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.