DAAWO SAWIRO: Shirkusaab San Amaanka Muqdisho Oo Laqab Tay Gudoomiyaasha Degmooyinka Iyo Saraakiisha….

29 total views, 1 views today

Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya Gaar Ahaan Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Ee Xamar Maanta Waxaa Ka Dhacay Kulan Looga Hadlayay Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Masuuliyiin Ay Ka Mid Yihiin Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumada Soomaaliya, Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga Iyo Siyaasada Ee Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha 17-Ka Degmo Iyo Dhammaan Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir Ayaa Goob Joog Ka Ahaa Kulanka.

Kulanka Oo Socday Mudo Saacado Ah Ayaa Waxaa Dhinacyadii Ka Qeyb Galay Ay Iskula Iskula Soo Qaadeen Sidii Loo Xaqiijin Lahaa Amniga Guud Ee Magaalada Muqdisho, Iyo Sidii Qorshe Looga Hortago Loogu Sameyn Lahaa Dadka Dilalka Ka Geysta Muqdisho.

Shabaab Ayaa Maalmihii Dambe Waxa Ay Kordhiyeen Dilalka Iyo Qaraxyada Loo Yaqaano Dhejiska Ee Ay Ka Geystaan Magaalada Muqdisho, Kuwaasi Oo Ay La Beegsadaan Masuuliyiinta Dowladda, Askarta Iyo Ergadii Soo Dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.