Daawo Sawiro:-Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Ajaanib Ka Tirsaneyd Al-Shabaab

60 total views, 1 views today

Wararkii Ugu Danbeeya Oo Haatan Naga Soogaaraya Degmada Dhoobley Ee Gobolka Jubbad Hoose Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Ayaa Maanta Soo Bandhigay Rag Ajaanib Ah Oo Ay Sheegeen In Ay Ka Tirsanaayeen Al-Shabaab.

Raggaan Oo Gaaraya Ilaa Saddex Ayaa Maamulku Waxa Ay Sheegeen In Laba Ka Mid Ah Ay U Dhasheen Dalka Tanzania Halka Midka Saddexaad Lagu Sheegay In Uu U Dhashay Dalka Kenya.

Weli Saraakiishu Masheegin In Raggaas Ay Ku Qabteen Hub Ay Siteen,Balse Sida Lagu Daabacay Aljaziira Qeybta Carabiga Iyada Oo La Soo Xiganayo Mid Ka Mid Ah Ragaas Oo Magaciisa Lagu Sheegay Ciise Inuu Sheegay In Uu Soomaaliya U Yimid Sanadkii 2014 In Uu Diinta Barto Haatana Ay Ka Yimaadeen Magaalada Jilib Ee Gobolka Jubbada Dhexe Oo Ay Al-Shabaab Maamulaan.

Waxa Uu Sheegay In Raga Soo Diray Ee Ka Tirsan Al-Shabaab Ay U Sheegen In Ay Kenya Tagaan Kadibna Ay Soo Wici Doonaan Laakin La Qabtay Iyaga Oo Kenya Siigalaya.