DAAWO: Qaraxii Saaka ka Dhacay Muqdisho//Meydad Wadada Daadsan iyo Arin Murugo Ah

17 total views, 1 views today

Inta la xaqiijiyay Labo ruux ayaa ku dhintay,mid kalana wuu ku dhaawacmay kadib qarax Miino oo saakay ka dhacay  Agagaarka Jaamacadda Gaheyr oo Saldhig u ah Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Soomaliya.

Qaraxaan ayaa la doonayay in lagu qarxiyo gaari dagaal oo ay saarnaayeen Ciidamadda Dowladda soomaliya oo xiligaas marayay laamiga.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Dadka dhintay ay xiligaas marayeen laamiga, islamarkaana miinadda ay haleeshay.

Qaraxa kadib Ciidamadda booliska Dowladda Soomaliya ayaa xirey wadadda,waxaana hakad galay isku socodka dadweynaha iyo Gadiidka.

Ma Jirto cid ilaa haatan sheegatay Mas’uuliyadaan qaraxaan ka dhacay Agagaarka jaamacadda Gaheyr.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.