DAAWO: Maxaadan Ogeyn oo kusoo kordhay Weerarkii Shabaab ku qaadeyn Villa Somalia & Guud ahaan Xaalada Dalka…

20 total views, 1 views today

(Warqaat.Com):- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen shaqaalaha gurmadka, weerarradii maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo hoteelka halkaa ku yaalla oo ay inta badan madaxda dawladdu tagaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarradaas oo loo adeegsaday laba gaari oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa. Qaraxyada ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo ay is dhaafsadeen dableydii weerarka qaadday iyo ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka, hase yeeshee wakaaladda wararka SONNA ee ku hadasha afka dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidanka amnigu ay ka hortageen qaraxyo argagixiso.

Weerarrka ayaa ah kii labaad ee muddo toddobaad ah dhaca iyadoo sabtidii hore weerar kale lagu qaaday xarunta Otto Otto, waxayna dadku is weydiinayaan sida ay uga dhaceen xarumaha dawladda, ayadoo aad loo adkeeyey amniga iyo isu socodka gaadiidka ee Muqdisho, gaar ahaan meelaha ay ku yaallaan xarumaha dawladda ee aadka loo ilaaliyo.

Dhinaca kale Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay garsoorka Gobolka Banaadir, kadibna waxaa uu safar u aaday dalka Beljimka.