DAAWO: Madaxweyne Ku Xigenka Somaliland “Wali Dhul Ayaa Naga Maqan”

23 total views, 1 views today

Wararka Imaanaya Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ayaa Sheegaya In Haatan Uu Ku Sugan Yahay Deegaankaasi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Saylici Oo Maalintii Shalay Ahayd Kasoo Kicitimay Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somaliland.

Ujeedka Safarka Mr. Saylici Ayaa Lagu Sheegay Indho Indhayn Buuxda Oo Uu Ku Samaynayo Isaga Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Xaalada Jiidaha Hore Ee Gobolka Sool, Waxaana Uu Kulamo La Qaadanayaa Saraakiisha Ciidamada Somaliland Ee Ku Sugan Deegaankaasi, Isagoona Kala Hadli Doona Xaaladaha Deegaanka Iyo Dagaalada U Qorshaysan Somaliland.

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Saylici Ayaa Ku Dhiiri Galiyey Ciidamada Somaliland Qorshaha Duulaankooda Deegaanka Yoocada Iyo In Ay Ka Shaqeeyaan Gaadhista Hamigooda Ah Deegaankaasi, Waxaana Sidoo Kale Maanta Heegan Culus Ku Jira Ciidamada Labada Dhinac Oo Markii Hore Is Rasaasayn Xoogani Dhex Martay.

Ciidamada Puntland Ayaa Qorshaynaya In Uusan Kusii Hakan Deegaankaasi Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ay Kaga Jawaabaan Safarkiisa Xaalad Dagaal, Waxaana Ay Haatan Ku Jiraan Heegan Xoogan Iyo Diyaar Garow Dagaal Oo Aad U Sareeya.

Dhinaca Kale Ciidamada Somaliland Ayaa Iyaguna Wada Qorshe Ay Iskaga Difaacayaan Ciidamada Puntland Iyo Weerar Walba Oo Dhankooda Kaga Yimaada, Waxaana Ay Si Weyn Uga Taxadarayaan Oo Aad U Ilaalinayaan Amaanka Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ay Ka Baqaan In Xaalad Dagaal Uu La Kulmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.