DAAWO Donald Trump Oo Ka Hadlay Ciyaartii Finalka Koobka Adduunka, Hal Arrin Oo Uu Ka Sheegay Ruushka Iyo Hambalyo Uu U Diray France

14 total views, 2 views today

(Warqaat.Com):--Madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump ayaa ka hadlay ciyaartii finalka Koobka Adduunka ee lagu qabtay magaalada Moscow, taas oo Faransiiska iyo Croatia ay ku wada ciyaareen garoonka quruxda badan ee Luzhniki Stadium, isla markaana Faransiisku Koobka ku qaaday 4-2.

Madax badan ayaa ka qayb-gashay daawashada ciyaartii finalka Koobka Adduunka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Ruushka na waxa garoonka fadhiyey 14 hoggaamiye waddan.

Haddaba madaxweynaha waddanka Maraykanka Donald Trump oo aan ka qayb-gelin ciyaartaas ayaa markii ay dhamaatay waxa uu bartiisa Twitterka soo dhigay farriin xambaarsan dhawr qodob, kuwaas oo uu ereyo kooban ku kala yidhi Madaxweynaha Ruushka Putin, xulka qaranka France iyo qaban-qaabiyeyaashii tartanka Koobka Adduunka.

Trump waxa uu sheegay in tartanka Koobka Adduunka ee lagu qabtay Russia uu ahaa kii ugu quruxda badnaa, waxaanu taas ku hambalyeeyey madaxweyne Putin.

Farriinta uu Trump bartiisa Twitterka ku baahiyey ayaa waxa uu ku yidhi sidan: “Hamblayo France, waxay ciyaareen kubbad aan caadi ahayn, waxaanay ku guuleysteen Koobka Adduunka 2018. Waxa dheer, hamblayo madaxweyne Putin iyo shacabka Ruushka oo ka dhigay koobka Adduunka tartan runtii aad u wanaagsan iyo mid ka mid ah kuwii ugu quruxda badnaa abid”

Si kastaba ha ahaatee, waddanka Faransiiska ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka markiisii labaad taariikhda, waxaana uga horreysay sannadkii 1998 oo tababaraha hadda ee Didier Deschamps uu ahaa kabtankii kor u qaaday Koobka.