DAAWO: 10 Toban Shaqaale Oo Aargoose Looga Eryay Shaqadoodii (Somaliland)

21 total views, 1 views today

Hanti Dhowrihii Hore Ee Somaliland Ee Xilka Laga Qaaday Saciid Suleymaan Mire Ayaa Ka Jawaabay War Warbaahinta Maxaliga Ay Baahisay Oo La Xiriira In Isaga Iyo Hanti Dhowraha Cusub Ay Isku Qabsadeen Xafiiska.

Wuxuu Sheegay In Hanti Dhowraha Cusub Uu Eryay 10-Shaqaalo Ah Isagoo U Aaneynaya Ama Kaga Aargoosanaya Natiija Baaritaan Ah Xafiiska Hanti Dhowraha Guud Uu Ku Sameeyay Xilligii Uu Ahaa Maareeyaha Dekadda Ber Bera Natiijada Baaritaankaasi Uusan Jecleysan Sida Uu Sheegay.

Sidoo Kale,Hanti Dhowrihii Hore Ee Somaliland Saciid Suleyman Mire Ayaa Sheegay In Hanti Dhowraha Cusub Ee Somaliland Uu Arintaan U Sameeyay Aargoosi Ku Aadan Baaritaan Ay Dhawaan Ku Sameeyeen Xilli Uu Joogay Dekadda Ber Ber .

Hanti Dhowraha Cusub Ee Somaliland Axmed Yuusuf Dirir Ayaa Sheegay Inaanay Jirin Shaqaalo Uu Shaqada Ka Eryay Basle Ay Jiraan Shaqaaalo Habsan Galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.