Daacish oo maanta laga Saaray Deegaan ka tirsan Gobalka Barri.

2,416 total views, 1 views today

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa waxa ay hawlgal ka sameeyeen degmda Ceelaayo oo ka tirsan gobolka bari Intii uu hawlgalkani socday ayaa waxa ay saraakiisha hogaaminaya ay sheegeen in ay cagta mariyeen dhoor fariisimo oo ay kooxda daacish ku sugnaayeen

Dhanka kale waxay saraakiisha ciidanka Puntland ay kulamo iyo shirar amniga la xiriira la qaateen saraakiisha ciidamada Puntland iyo odayaasha ee degmada Ceelaayo ee gobolka bari.

Hawlgalkan ay maanta ciidanka amaanka puntland ku gaareen degmada Ceelaayo ayaa qayb ka ah hawlgallo ballaaran oo ay ciidamada Puntland kaga sifaynayaan kooxda daacish ayuu yiri sarkaal ka tirsan saraakiisha manta halkaasi gaaray ee howl galkan fulinayay

Puntlan ayaa sheegtay in ay howlgallo joogta ah deegaanadeeda kaga sifeeneyso kooxda daacish oo iyagu inta badan fariisimo ka sameestay deegaanada buuralayda ah ee puntland.