Daacish Oo Laga Saaray Magaaladii Ugu Dambeysay Ay Ka Joogeen Ciraaq(DAAWO SAWIRRO)

21 total views, 2 views today

Kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka ee Daacish ayaa xiligan u muuqata mid awoodeeda ay sii daciifeyso, waxaana bilihii ugu dambeeyay kooxdaasi laga saaray magaalooyin ay ka joogeen dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Ciidamada Ciraaq ay wehliyaan Maleeshiyaad aad u hubeesan diyaarado dagaalna kor kala socdeen ayaa shalay Daacish kala wareegay magaalada Rawa oo ka tirsan Gobolka Galbeedka Iraq dhaca ee Anbar.

Wasiirka Gaashaandhigga Iraq, Erfan al-Hiyali, ayaa sheegay in Daacish laga saaray magaaladii ugu dambesay ay ka joogeen Dalka Ciraaq, waxaana magaaladan laga saaray Daacish kutaalaa xadka dalka Siiriya.

Ra’iisal Wasaaraha Iraq Haider Al-Abadi, ayaa hambalyo hawada u mariyay ciidamada Ciraaq waxa uuna ku amaanay sida ay uga adkaadeen kooxda Daacish ay kula jireen dagaal aad u xoogan.

Kooxda Daacish ayaa u muuqata mid awoodeeda wiiqantay, waxa ayna kooxdan lumisay gacan ku heynta magaalooyin badan ay ka maamulayeen Dalalka Ciraaq iyo Siiriya, waxaana hada kooxdaasi ku socda duulaano aad u xoogan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.