D.Somaliya oo beenisey eedeynta HRW

23 total views, 1 views today

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay warbixin ay shalay soo saartay Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee HRW,taas oo ay ku sheegtay in dowladda Soomaaliya ay maxkamadeyso carruur loo qab qabtay argagixisanimo.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in maxkamadeynta carruurtaas loo maro Maxkamadaha milatariga Soomaaliya taas oo ay hay’adda ku sheegtay in ay liddi ku tahay xuquuqda aadanaha.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya C/Casiis Xildhibaan ayaa beeniyay eedda ay Dowladda Federaalka ah kala kulantay HRW.

Mr Xildhibaan waxaa uu sheegay in warbixinta Hay’adda ay tahay been aan sal iyo raad lahayn islamarkaana sida uu sheegay la dhoodhoobay.

”18-kii Janaayo 2018, dowladda Soomaaliya ayaa 36 carruur ah ka qabatay Al-Shabab, waxaana ay qaadatay muddo todobaad ah iyo faragelinta Qaramada Midoobay iyo kooxaha u doodad xuquuqda carruurta si loo dejiyo hannaan lagula tacaalayo carruurtaasi”, ayaa lagu yiri warbixinta Human Rights Watch.

Human Rights Watch ayaa sheegtay inay waraysatay 80 canug oo ka tirsanaan jiray Al-Shabab, wiilal lagu xiray xarumaha booliska iyo sirdoonka, qareenno, dadka u doodda xuquuqda carruurta iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.