Cristiano Ronaldo Oo Dareenkiisa Ka Hadlay Kadib Guushii Uu Ku Hogaamiyay Kooxdiisa Real Madrid, Muxuuse Ka Yidhi Kulanka Paris Ee Lugta Labaad Ee UCL?

20 total views, 1 views today

Cristiano Ronaldo ayaa isku taagay in uu kooxdiisa Real Madrid ka caawiyay sidii ay 3-1 ugu garaaci lahayd kooxda PSG kulankii lugta hore ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka kooxood wuxuuna Ronaldo gool rekoodhe ah uu Madrid ciyaarta ugu soo celiyay markii ay PSG gool ku hormartay halka isaga iyo Marcelo ay min hal gool oo kale dhaliyeen si ay Los Blancos ugu gacan galiyaan guul 3-1 ah ka hor inta aan Paris layskugu soo laaban.

Markii ay ciyaartii Bernabeu soo dhamaatay Ronaldo ayaa dareenkiisa ka hadlay wuxuuna fariin culus u diray kooxda ay guusha ka gaadheen ee PSG. Ronaldo ayaa PSG u sheegay in ay yihiin Real Madrid isla markaana ay khibrad wayn u leeyihiin Champions League.

Cristiano Roanldo oo ka hadlaya guushii PSG ayaa yidhi: “Tani waxay ahayd guul muhiim ah, ciyaarta si fiican ayaanu ku bilaabanay, laakiin waxaanu ogolaanay goolka, laakiin kani waa Champions League isla markaana Real Madrid khibrad ayay u leedahay”.

Ronaldo oo ka hadlaya muhiimada ay ka lahaayeen kulankii lugtii hore ee Beranbeu iyo faa’iidada ay u yeelan karto guushii ay gaadheen ayaa yidhi: “Kulamadu waxay ku dhamaadaan 90 daqiiqo, waxaanu doonaynay kulan fiican oo guriga ah, waxaanu haysanaa faa’iido dheeraad ah kulanka noqoshada waxaana mahad ku leh labadaa gool ee xiliga danbe ahaa”.

Intaa kadib Ronaldo ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay PSG koox halis ah u tahay iyo qaabkii ay si gaabis ah ugu soo laabteen qaybtii labaad wuxuuna yidhi: “Anagu waanu ogayn in ay yihiin koox halis ah ee gool dhaliyaashooda ay haystaan, waxaanu ogayn in ay waajib nagu tahay in aanu cadaadis saarno si aanu kubbada ugu guulaysano. Qaybtii labaad waqti ayaanu yara sugnay, si ka fiican ayaanu u ciyaarnay, waxaananu helnay fursado badan”.

Jamaahiirtii ka soo xaadirtay Estadio Santiago Bernabeu ayaa si wayn qayb uga ahayd dhiiro galinta ciyaartoyda Madrid wuxuuna Ronaldo oo ka hadlayaa yidhi: “Taageerayaashu anaga in badan ayay na caawiyeen, waxaanu dareenay diirimaadkooda. Goolka Marcelo aad ayuu muhiim u ahaa, waxa uu ciyaaray kulan fiican wuuna u qalmay”.

Ugu danbayn Ronaldo ayaa hadalkiisa xidhay sida ay kooxdiisa wax khaas ah ugu tahay guusha ay ka gaadheen PSG wuxuuna yidhi: “Marka goolasha la dhaliyo ee ay kooxdaadu guulaysto, markasta waa wax khaas ah, maanta way bilaabantay waxaanan dhaliyay laba gool. Kulamadu wali may dhamaan, waxaa waajib nagu ah in aanu tagno Paris si aanu u guulaysano oo aanu goolal u dhalino, in aanu deganaano si aanu wajiga xiga ugu soo baxno”.