Ciidanka Xooga Dalka Iyo Kuwa AMISOM Oo Al- Shabaab Kala Wareegay Deegaano….

24 total views, 2 views today

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey oo shir jaraa’iid maanta ku qabtay Magalaada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka itoobiya ay ku guuleysteen inay Al-shabaab kala wareegan deegaano u dhexeeya Baladweyne,Maxaas iyo Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey ayaa sheegay in deegano buuraley ah oo u dhexeeya magaalooyinka Baladweyne, Matabaan iyo Maxaas u ka socdo dagaal u dhexeya Ciidamada dowlada oo garab ka helay kuwa AMISOM iyo Al shabaab.

Howlgalkan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ka wadan qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili dagaalyaano ka tirsan ururka Al shabaab oo ka soo cararay qeybo ka mid ah gobollada koonfureed ee dalka ay saldhigyo ka dhigteen deegano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.