Ciidanka dowladda iyo Al-shabab oo xalay ku dagaallamay Muqdisho

19 total views, 1 views today

Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa ku geeriyooday iyada oo  ay tiro kale ku dhaawacmeen kaddib dagaal dhexaray Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ku dagaallamaya degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa daba socday kaddib markii shalay gelinkii dambe Al-shabaab ay dileen Askari ka mid ah Ciidamada dowladda oo waardiye ka hayay xero barakaca oo ku taalla degmada Kaxda.

Kooxda dilka geystay ayaa qaatay Qoriga Askariga iyada oo kaddibna xalay Ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen xaafad ka mid ah Degmada Kaxda oo la sheegayo in Habeenkii ay soo galaan Al-shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay Xaafadda Qubuuraha Boqolka Boos ee Degmada Kaxda,iyada oo uu halkaasi ka dhashay khasaare kala gaaray labada dhinac

Al-shabaab lama oga khasaaraha ka gaaray dagaalka xalay ka dhacay Degmada Kaxda,kamana aysan hadal sidoo kale ciidamada dowladda ayaan ka hadlin weerarkii xalay.

Askariga ku dhintay weerarkaas ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Alxan,waxaana uu ka mid ahaa Ciidamada dowladda ee weerarka ku qaaday Al-shabaab.