Ciidanka Amaanka Oo Dad Xab siga dhigay Kadib qarax miino oo lagu diley askari ka tirsan AMISOM…

21 total views, 1 views today

Ciidamada ammaanka ayaa dad u xirey qarax miino oo lagu diley mid ka mid ah ciidamada dowlada Jabuti ee ka tirsan AMISOM ee ka howlgala degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Howlgal ay xalay ka sameeyeen degmada Buuloburde ciidamada ayaa waxaa ay ku soo qabqabteen dad lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen qaraxii shalay ka dhacay duleedka magaalada Buulo Burde.

Qaraxani oo ahaa minada nuuca dhulka lagu aaso ee loo isticmaalo Remote Control ayaa waxaa ku geeriyooday askari ka tirsan AMISOM halka 2 kalena ay ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada Buulo Burde ayaa dhowaan sheegay in uu bilaabayo howlo amniga lagu xaqiijinayo isla markaana loogaga saarayo dhammaan deegaanada ka tirsan degmadaas oo ay joogaan ururka Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.