Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula eegtay degaanka Yurkud….

21 total views, 1 views today

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay qarax ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Dadka  degaanka Yurkud ayaa xaqiijiyay qarax miino oo ciidamada Itoobiya lala eegtay inuu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Wadada Luuq iyo Sidoo kale degaanka Yurkud.

Waxa ay sheegayaan dadka degaanka ciidamo gaaraya illaa Shan askari inay ku dhinteen qaraxaasi miinada oo bur bur xooggan gaarsiiyay gaarigii uu qabsaday qaraxa.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in sidoo kale ciidamada Itoobiya ay jiraan dhaawacyo kala duwan oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Al Shabaab oo ka dambeysay qaraxa ayaa sheegatay inay dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday.

War ka soo baxay Shabaab ayaa waxa ay ku sheegtay ku dhawaad 10 askari oo Itoobiyaan ah inay ku dileen qaraxaasi, inkastoo aanan si dhab ah loo xaqiijin karin sheegashada Shabaab khasaaraha intaasi la eeg.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku safra degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin, iyadoo xilliyada qaar ay dhacaan qaraxyada noocaan oo Shabaab ay u dhigaan ciidanka.