Ciidamo is hortaagay kulan lagu taageerayay Murashax C/casiis Lafta Gareen

757 total views, 1 views today

Wararka ka imaanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa soo sheegaya in Ciidamo Booliis ah ay is hor taag ku sameeyeen kulan lagu taageerayay Murashax Madaxweyne ee koofur Galbeed Cabdi casiis Lafta Gareen.

Ciidamada ayaa amray milkiilayaasha Hotel xaflad lagu qaban lahaa in ay joojiyaan xaflada ka dhacayso Hotelka waxaana sababta lagu sheegay in hore loo mamnuucay kulamada dadweynaha sababo dhinaca amniga ah.

Sidaan oo kale ayaa hore waxaa looga joojiyay Shiikh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-mansuur oo doonayay in kulan nuucaan oo kale ah oo ku qabsado magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay.

Ciidamada Booliiska ayaa dhamaan Murashaxiinta ku amray iney joojiyaan abaabulka kulamada dadweynaha tan iyo markii ay qaraxyada ka dhaceyn magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, sababta ugu weyn ayaa lagu sheegay sababo amaan.