Ciidamo AMISOM ah oo gaaray Dhuusamareeb

17 total views, 1 views today

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan AMISOM kuwaas oo la wareegaya Amaanka Magaalada inta uu Madaxweynaha Soomaaliya joogo Magaaladaas.

Ciidamada AMISOM ee gaaray Dhuusamareeb waxaa ay ka baxeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaana ay isugu jiraan Ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ee ku jira howlgalka AMISOM Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay iyada oo dadka iyo Gaadiidkaba la baarayop,waxaana Magaalada ay isu diyaarineysaa soo dhaweynta Wafddiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

Wafddiga Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku sugan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo waxaana la filayaa in uu uga soo gudbo koofurta halkaasna uga bilowdo safarka degaannada Galmudug.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.