Ciidamada Puntlnad Oo Howl Gallo Ka Wada Dhulka Buuraha Ee Calmadow…

22 total views, 1 views today

Ciidamada Puntland Ayaa Howl Gallo Ballaaran Ka Wada Dhulka Buuraha Ee Gobolka Bari, Iyadoo Ciidamada Ay Ka Baadigoobayaan Dagaalamayaal Ka Tirsan Shabaab Iyo Daacish.

Wararka Ayaa Sheegaya In Howl Galka Laga Sameeyay Buuraha Harweyne Oo Ka Tirsan Deegaanka Calmadow Ee Gobolka Bari.

Inta Howl Galka Socday Ayaa La Sheegay In Ciidamada Ay Cirka Ka Taageerayeen Diyaaradaha Wax Basaasa Oo Maalmihii La Soo Dhaafay Aad Ugu Badnaa.

Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Puntland Ayaa Sheegay In Howl Galada Ay Muddooyinkii U Dambeeyay Ahaayeen Kuwo Joogto Ah, Isla Markaana Ay Gacanta Ku Dhigeen Agabyo Ay Isticmaalayeen Kooxaha Daacish Iyo Al-Shabaab.

Todobaadyo Ka Hor Dhulka Buuraha Ee Gobolka Bari, Waxaa Duqeyn Ka Geystay Diyaaradaha Aan Duuliyaha Laheyn Ee Mareykanka Leeyahay, Waxaana Lagu Bartilmaameedsaday Kooxda Daacish

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.