Ciidamada Puntland oo howlgalo ka sameeyey degaan ay gabaad ka dhigteen Kooxda Daacish

24 total views, 2 views today

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) Oo Ay Weheliyaan Ciidamada Badda Puntland (PMPF) Iyo Ciidanka Daraawiishta Puntland Ayaa Soo Geba-Gebeeyey Hawlgallo Dagaal Oo Ka Dhan Ah Ururka Daacish.

Howlgalkan Ayaa Afartii Maalmood Ee La Soo Dhaafay Ka Socday  Buuraha Cal Miskaat Ee Gobolka Bari, Gaar Ahaan Aagga Deegaanada Canjeel, Dhaadaar, Dhasaan, Buq, Toox Iyo Bohol Ee U Dhexeeya Balidhidin Iyo Qandala.

Saraakiisha Ciidamada Puntland Ayaa Sheegay In Howlgalkan Ay Ujeedadiisu Aheyd Sidii Looga Sifeyn Lahaa Kooxda Daacish Degaanada Ay Kaga Dhuumaalaysanayaan Buuraha Cal Miskaat Ee Gobolka Bari.

“Argagixisadu Isma Qarin Karayaan, Ciidamada Puntland Na Way Sii Wadi Doonaan Hawlgallada Ay Dhulka Puntland Kaga Xoraynayaan Cadowga Ku Soo Duulay , Waxaana Ka Go’an Ciidamada Difaaca Puntland In Ay Argagixisada U Diidaan In Aysa Helin Goobo Ay Ku Badbaadaan”. Ayaa Lagu Yiri Warbixin Kasoo Baxday Xafiiska Ciidanka PSF.

Warbixinta Ayaa Lagu Sheegay Intii Uu Socday Hawlgalku In Maleeshiyaad Ka Tirsan Ururka Daacish Looga Saarey Goobo Ay Kaga Dhuumaalaysanayeen Deegaano Hoostaga Degmada Qandala, Isla Markaana Ciidamadu Gubeen Godad Raashin Ugu Kaydsana, Halka Ay Burburiyeen Saldhigyo Kooxdaasi Ku Lahayd Aaga Hawlgalku Ka Socday, Sidoo Kalena La Qabtey Qalab Ay Ku Samaysan Jireen Walxaha Qarxa Oo Goobahaas Yiilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.