Ciidamada Nisa Oo Gacanta Ku Soo Dhigay Raggii Habeen Hore Dilay Siteey Max’ed Aadan…

23 total views, 1 views today

Ciidamada NISA Ayaa Gacanta Ku Soo Dhigay Labo Nin Oo Bastoolado Ku Hubeysnaa Kuwaasoo Habeen Hore Degaanka Garasbaaleey Ee Duleedka Magaalada Muqdisho Ku Toogtay Haweeney La Oran Jiray Siteey Max’ed Aadan.

Haweeneydan Oo Ka Tirsanaan Jirtay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Ayaa La Sheegay Iney Da’deedu Aheyd 65 Sano Jir.

Guddoomiyaha Degaanka Garasbaaley C/Raxmaan Garyare Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Howlgal Ay Sameeyeen Ciidamada Nabad Sugida Oo Kaashanaya Dadka Degaanka Lagu Soo Qabbtay Raggii Dilay Haweeneydan Da’da Aheyd.

Waxaa Uu Intaas Ku Daray In Labada Nin Ay Ka Tirsanaayeen Kooxda Al-Shabaab, Ayna Haatan Ku Jiraan Xabsiga Ciidanka NISA Dhowaana Maxkamad La Soo Taagayo Si Loo Abaal Mariyo Dilka Ay Geysteen.

Hooyadan La Dilay Ayaa La Sheegay Inay Ka Mid Aheyd Haweenkii Horay Looga Ruqseeyay Ciidanka XDS Xiligii Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Uu Hoggaaminayay Ay Dalka Maamuleysay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.